Diego armanda Maradona wuxuu dhashay 30-kii bishii Octobe1r 1960-kii, gabi ahaanna wuxuu ahaa ciyaariyahankii ugu wanaagsanaa ee dunida kubadda cagtu ay indhaha ku kala qaado, tartamadii ku saabsanaa ciyaaraha kubadda cagta ee xilliyadaa laqabtay wacadara uu ka dhigay owgood.
Xirfadihii k/cagta ee Maradona ma aheyn kuwa uu iska dhig-dhagayay ee ku yimid dadaal fara badan iyo tababar, balse waxa ay ahaayeen kuwa dabiici ah, waxaana xirfadihiisa ay mar walba soo jiidanayeen taageerayaal fara badan oo dunida dacalladeeda ku kala nool kuwaas oo aad u xiiseeya k/cagta.
Maradona waxa uu ahaa ciyaariyahankii ugu yaraa ee xulkiisa qaranka wadanka Argentina u safta ciyaar caalamiya, isagoo da'diisu waqtigaa aheyd 16jir, waxaana ay ciyartaasi xulka qaranka Argentina kaga hor tageen kulka Hungary, labo sano kadib Diego Maradona waxa uu noqday kabtanka xulka qaranka Argentina ee da'dooda ka hooseyso 20 jirka.
1986-kii Maradona waxa uu xulkiisa Argentina u soo hooyey koobkii aduunka ee lagu qabtay waddanka Mexico, taasoo 3-2 ay uga adkaadeen West Germany, wuxuuna xiligaasi noqday ciyaariyahankii labaad ee ugu gool dhalinta badnaa koobkaasi, asagoo dhaliyey 5-goal, halka ciyariyahan Gary Lineker oo England u safanayay uu dhaliyay 6-goal.
Laba katirsan goolashaasi 5-ta ah oo uu Maradona dhaliyey waxa ay ahaayeen kuwo ka fuqi waayey xasuusta dadka xiiseeya isboortiga, waxa uuna ka dhaliyay xulka qaranka ingiriiska, midka hore ahaa mid aan la maleysan karin, dadka intiisa bandanna ay rumeysan waayeen waxaana uu ku dhaliyey gacanta, taasoo dadka ula ekaatay inuu madaxa uu ku dhaliyay, goolkii Maradona uu ku dhaliyay gacanta oo loo bixiyey magaca "hand of God" (gacantii ilaah) ayaa waxa ay keentay in Maradona ilaah ahaan looga caabudo qaybo ka tirsan waddanka Argentina, halka kan labaadna uu sidoo kale ahaa mid layaab leh, noqdayna goolkii ugu wanaagsanaa ee laga dhaliyo koob aduun xilliyadii lasso ciyaaray, waxaana uu goolkaas ka soo qaatay meel in yar ka fog qadka dhexe, isagoo la soo dhex maray in ka badan 7-ciyaartooy oo ka tirsan xulka ingiriiska iyo waliba goolhayahoodii, mar Maradona wax laga weydiiyey Maradona qaabka uu goolkaas u dhaliyey waxa uu sheegay in uu xulka ingiriiska kubadda ula dhexmaray sidii gaaroga land- cruiser-ka uu bacaadka u dhex maro, waxaana taasi ay keentay in shirkadda soo saarta gaariga land-cruiser-ka ee TOYOTA ay Maradona u ballan qaado in sanad walba ay siineyso mid ka mid ah gaariga land-cruiser-ka ee shirkadaasi soo saarto.
Khiyaanooyin fara badan oo lasoo kaaba karin ayuu sameyn jiray Maradona, iyadoo inta badan markup la kulmo difaacyada oo uu is yiraahdo xoogaa waa ay yara iska kaa difaaci karaan uu la audience jiray dhinaca corner-ka, si halkaasi uu si xirfadeysan u soo wada maro.
Diego Maradona waxaa uu ka qeyb galay 4- koob aduun ee kala ahaa 1982-kii, 1986-kii, 1990-kii iyo 1994-kii, waxaana horrantii sannadkii 1995-kii gebi ahaanba Maradona laga joojiyey ciyaaraha kubadda cagta, kadib markii lagu soo caddeeyey inuu isticmaalay daroogo, taasoo keentay inay noqoto gebe gebada ciyaarihiisa kubadda cagta, waaxa mar wax laga wediiyey Maradona daroogada lagu soo sheegay uu yiri "talyaanigu waa dad ku dhaqma cunsuriyad, anigu daroogo ma isticmaalin, balse waxay doonayeen in ay dhulka la galaan sharafta aan ku leeyahay caalamka kubadda cagta.
Kooxihii Maradona uu u soo saftay oo ay ka mid ahaayeen Barcelona, Napoli iyo poco juniors uu gaarsiiyey guulo wax ku ool ah oo ay waligood hilmaami doonin, iyadoo sannadkii 2002-dii ay dowladaha Korea iyo Japan ay Maradona u diideen in uu ka soo qayb galo daawashadii koobkii aduunka ee lagu qabtay wadamadaasi, hase yeeshee wadanka giriiga oo ay ka dhacayaan ciyaaraha olimpmbikada sannadkan iyo wadanka Germany oo martigalin doona koobka aduunka 2006-da ay u ogalaadeen on uu u soo daawasho tago guud ahaan garoomada ciyaarahaas ka dhacayaan, in kastoo hadda Maradona uu lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah taasoo labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu xanaaneynayay xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Argentina, waxaana haatan ciyaarta golf-ka oo uu isaga kala yareynayo cayilka faraha badan ku ciyaaraa beer weyn oo uu leeyahay oo ku taalla caasimadda waddanka Argentina ee Beunos Aries.
0 Comments