Baamiyaha wuxuu yareeyaa korostorolka ama dufanka dhiiga |
Baamiyaha waxa uu ka mid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Mallow, Muran ayaa kajira halka uu Baamiyuhu asal ahaan ka soo jeedo.
Baamiyuhu wuxuu ka baxaa dalalka kuleylada ah, dalalka kuleeyl xigeenada iyo gobolada ay cimiladoodu diiran tahay ee caalamka, 3500 oo sano ka hor ayaa la’ogaaday jiritaanka geedka Baamiyaha.
Magaca Seyniska ee Baamiyaha waa Abelmoschus laakiin magacyo badan ayuu leeyahay sida Okra, Okro, dalka Ingiriiska waxaa looga yaqaan Lady’s Finger, Spain waxaa looga yaqaan Guino-Gombe, Portugal waxaa looga yaqaan Guibeiro, Mareykanka waxaa looga yaqaan Gumb, Malaysia waxaa looga yaqaan Kacanga bendi, dalka Hindiyana waxaa looga yaqaan Bhondi gomba.
Nafaqada ku jirta baamiyaha
Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada wuxu qani ku yahay fiitamiinada sida: Vitamin K, Vitamin C, Thiamine (B1) Folate (B9) |
Faai'dooyinka caafimaad ee laga helo baamiyaha
Baamiyuhu wuxuu ka hortagaa cudurada ku dhaca beerka |
0 Comments