Arsenal fc |
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo jira 66 sanno dalka Rwandana hoggaaminaayay tan iyo 2000 ayaa dhaleeceyn balaadhan kala kulmay ka qayb galka kulankii Champions League ee u dhexeeyay Arsenal iyo Bayern Munich. Waxuu ugu safray dalka Ingiriiska si’uu uga qayb galo kulankii u dhexeeyay labadan kooxood ee ka ciyaara horyaalada qaaradda Yurub.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay lugtii hore ee wareega 8da Champions League ee Arsenal ay la ciyaareen Bayern Munich usbuucii hore xilli dalkiisa Afrika ku yaalka uu ku jiray xilli baroor diiq ah oo lagu xusayay sanadguuradii 30-aad ee xasuuqii boqolka maalin ee loo gaystay dadka Tutsiga Yuu ee dalka Rwanda kaas oo dhacay sanadkii 1994tii.
Paul kagame oo ku sugan garoonka kooxda kubadda cagta ee arsenal Lugtii hore ee ciyaarta champion-ka |
Kagame, oo hore u abuuray hadal hayn warbaahineed oo xoog leh dhaleecaymahiisa qaab ciyaareedka Arsenal ee gudaha garoomada ayaa sidoo kale kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Rishi Sunak Downing Street ka hor inta uusan u ambabixin Emirates isaga iyo booliis ilaalo u ah.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaleeceeyay go’aanka ka qaybgalkiisa ciyaarta ku aadan iyadoo wadanku ku jiro baroordiiqda. Sidoo kale Kagame ayaa ka qayb galay ciyaarta sababtoo ah dadka rayidka ah ayaa amar ku siiyay booliska qaranka Rwanda inay "xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada" oo ay ku jiraan "ciyaaraha kubbadda cagta, tartamada isboortiga, ciyaaraha sharadka, riwaayadaha, tiyaatarada iyo muusikada aan la xidhiidhin xuska,iyo xaflado wadareedka kale ee dadku ku kulmaan”.
0 Comments