Haddii indhahaagu ay si joogto ah xaaladdoodu u kacsantahay ama aad ku aragto cuncun biyo leh oo iftiinku dhibayo, waxaa laga yaabaa inaad leedahay xaalad loo yaqaan isha qalalan.
Waa xaalad aan halis ahayn laakiin aad u dhib badan, waxayna saamaysaa inta u dhaxaysa 5% ilaa 40% dadweynaha.
Indhaha qallalan waa natiijada dhowr sababood oo saameeya xuubka, laabka hoose iyo qaybta dufanka ee isha.
Isku darka saddexdan walxood waxay ilaalinayaan oogada isha nadiifka ah iyo saliidda. Laakiin, marka qas ku dhaco mid ka mid ah, tani waxay keeni kartaa indho qalalan.
Inkasta oo ay jiraan dhowr sababood laga bilaabo cudurrada difaaca jirka, isticmaalka daawooyinka qaarkood, isticmaalka muraayadaha indhaha, isbeddelka hormoonnada, sababta ugu badan ayaa ah cilladda qanjirrada loo yaqaanno Meibomian , sida uu qabo Parwez Hossain, borofisar ku takhasusay indhaha gaar ahaan Jaamacadda Southampton ee dalka Ingiriiska, oo la hadlay BBC.
Qanjirradan waxay ku yaalaan daboolka indhaha waxayna mas'uul ka yihiin soo saarista xuubka ka samaysan habka ilmada iyo ka hortagga uumiga.
Waxa kale oo laga yaabaa inay dhacdo in ishu soo saarto ilmo yar ama ilmo tayadoodu liidato.
Marka ay si liidato u shaqeeyaan, "qaybaha ilmeynta wuxuu noqon karaa mid aan degganayn oo u baaba'a si ka dhaqso badan sidii la filayay," ayuu yiri Hossain.
Waxyaabaha halista ah
Marka lagu daro calaamadaha aan soo sheegnay bilowgii, isha qalalan waxay keeni kartaa aragga oo xumaada, casaan ama guduud iyo xanuun.
Dhammaan calaamadaha waxaa ka sii dari kara arrimo bannaanka ah, sida qallaylka deegaanka, dabaysha ama boorka , iyo sidoo kale isticmaalka dheeraadka ah ee shaashadaha.
Waxa dhacaya markaan eegno kombuyuutarka waxay u janjeertaa inay yareeyaan tirada jeer ee aan libiqno, waana ficilka lagama maarmaanka u ah in la nadiifiyo indhaha oo dib loogu qaybiyo ilmada si siman.
Dadka halista ugu jira inay ku dhacaan xanuuka indhaha qalalan waa kuwa gaaray da' dhexe, guud ahaanna way ku badan yihiin dumarka marka loo eego ragga.
"Daraasadaha aan sameynay, da'da caadiga ah waa bartamihii 50-meeyadii, gaar ahaan haweenka ku soo wajahan waxa loo yaqaanno menopause," ayuu yiri Hossain.
Si kastaba ha ahaatee, Hossain wuxuu sharxayaa in dhibaatadu ay bilawday inay hore u muuqato, sababtoo ah isticmaalka xad dhaafka ah ee qalabka dhijitaalka ah.
Arrimahan la xiriira hab-nololeedka maanta, oo ay weheliyaan xaqiiqda ah in wacyigelin weyn asan jirin oo ku saabsan tirade uu saameeyay xanuunkan, ayaa horseeday in kiisaska ay kor u kacaan.
Ka hortagga iyo daaweynta
Si looga fogaado isha qalalan, Mayo Clinic oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo ku taal Maraykanka oo u heellan dhaqanka bukaan-socodka, iyo sidoo kale waxbarashada iyo cilmi-baarista caafimaadka ayaa waxay ku talinaysaa, tallaabooyin dhowr ah:
Ku dadaal qoynta marka ay aad u qallalantahay hawada aaggaaga ah
Nasiino sii indhahaaga marka aad samayso hawlo badan oo u baahan feejignaan muuqaal ah
Xir indhahaaga marka aad arkeyso qalleyl ama iftiin badan sida xilliyada aad saarantahay diyaaradaha
Dhig shaashadda kombiyuutarka meel ka hooseysa heerka isha (si kor loogu qaado daboolka indhaha
Jooji sigaarka oo ka fogow qiiqa sida haddii agtaada lagu cabayo
Xagga daawaynta, Hossain waxa uu sharxayaa in ilmada macmalka ah ama dhibcooyinka lagu saliidayn karo indhaha la isticmaali karo.
Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada Midowday ee (UK) wuxuu ku talinayaa in daboolka indhaha lagu nadiifiyo maro biyo diirran iyo in cadaadis khafiif ah la saaro agagaarka indhaha.
Tani waxay caawisaa dufanka ay soo saaraan qanjirrada isha ku wareegsan iyo inay milmaan.
Waxay sidoo kale soo jeedinaysaa in si tartiib ah loogu duugo daboolka indhaha fartaada ama suuf si aad dufanka uga riixdo qanjirrada maadaama ay xannibmi karaan.
Tallaabooyinkan fudud, oo la wada qaado, ayaa kaa caawin kara hagaajinta xaaladdan, iyo in aad si dhow uga bogsato.
0 Comments